Mourinho oo u jawaabay Ozil kaddib markii uu yiri: ‘waxaan door-bidi lahaa inaan fariisto halkii aan u ciyaari lahaa Spurs’

(London) 12 Jan 2021. Tababare Jose Mourinho ayaa u jawaab celiyey Mesut Ozil kaddib markii uu ka soo yeeray war ku saabsan Kooxda Tottenham.

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal ayaa haatan dibad-joog ka ah Gunners, laakiin waxa uu muujiyey sida uu daacadda ugu yahay kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London.

Ozil ayaa mar la la xiriiriyey Tottenham waxa uu sheegay inuu door-bidayo inuu ka fariirto ciyaaraha halkii uu u dheeli lahaa Spurs.

Si kastaba ha noqotee, Jose Mourinho ayaa loo sheegay hadalkii ka soo yeeray Ozil isagoo ku guda jiray shirkiisa jaraa’id, waxaana hoggaamiyaha reer Portugal uu ku jawaab celiyey:

“Yaa u sheegay [Ozil] in Tottenham ay xiiseynayso saxiixiisa?”, waxaana hadalkaan loo fasiray horta Tottenham miyey ku rabtaa inuu kala jeedo Macallin Mourinho.

Goal on Twitter: "Mesut Ozil: I'd rather retire than join Tottenham Jose  Mourinho:… "

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close