Mesut Ozil oo shaaciyey SHAXDA 11-kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa oo uu ka garab ciyaaray intii uu joogay kooxda Arsenal

(London) 12 Jan 2021. Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday 11-kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa oo uu ka garab ciyaaray intii uu joogay kooxda Gunners.

Ciyaaryahankan oo bannaan joog ka ahaa Arsenal tobankii bilood ee ugu dambeeyay ee Ozil ayaa xalay ka wajaabayey su’aalo lagu weydiiyey barta Twitter-ka oo ay soo weydiinayeen Taageerayaashu.

Taageere ayaa weydiiyey Ozil: “Waa shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd ee aad ka garab ciyaarto intii aad joogtay kooxda?”

Shaxda uu shaaciyey Ozil waxaa ku jira Alexis Sanchez, Santi Cazorla, Aaron Ramsey, Laurent Koscielny iyo Kabtanka haatan ee kooxda, Pierre-Emerick Aubameyang.

Ozil ayaa sidoo kale magacaabay Bacary Sagna, Per Mertesacker, Serge Gnabry iyo Sead Kolasinac oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen.

Xiddiga reer Jarmal ayaa goolka kooxdiisa u magacaabay David Ospina, isagoo ka hor mariyey goolhayaha ay haatan isku kooxda yihiin ee Bernd Leno iyo shabaq ilaaliyihii hore ee Gunners, Petr Cech.

Ozil oo u jawaabayay taageeraha su’aasha soo weydiiyey ayaana soo qoray: “Ospina-Sagna, Koscielny, Mertesacker, Kolasinac-Cazorla, Ramsey-Serge Grnabry, Ozil, Alexis Sanchez – Aubameyang.”

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda kooxdiis ugu wanaagsanayd ee uu Ozil ka garab ciyaaray intii uu joogay Arsenal:-

Mesut Ozil named the best players he has played with at Arsenal

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close