Macallinka Man United ee Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlay xaaladda Shaw, Lindelof, Pogba, Bailly & Cavani ka hor kulankooda caawa ee Burnley

(Manchester) 12 Jan 2021. Macallinka Kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin Shaw, Lindelof, Pogba, Bailly iyo Cavani ka hor kulankooda caawa ay la leeyihiin Burnley ee horyaalka Premier League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in Luke Shaw iyo Victor Lindelof ay diyaar u yihiin kulanka ay Manchester United u safreyso caawa naadiga Burnley, kulankaasoo sidoo kale laga yaabo in Paul Pogba iyo Eric Bailly ay ku lug yeeshaan.

Red Devils ayaa 33-dhibcood la wadaagta hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool, waxaana ay la wareegi doonaan hoggaanka horyaalka haddii ay caawa guuldarro ka fogaadaan kulanka ka dhacaya garoonka Turf Moor.

Waxaa jiray dhowr shaki oo dhaawacyo ah kulanka, laakiin Solskjaer ayaa war fiican u sheegay Taageerayaasha ka hor kulankan, iyadoo sidoo kale Edinson Cavani uu ka soo laabanayo ganaax saddex kulan ah oo uu la maqnaa.

“Dhammaantood tababarka waa ay qaateen” ayuu yiri Solskjaer oo ka hadlayey xaaladda Pogba, Shaw, Lindelof iyo Bailly.

“Paul iyo Eric kaliya ma aysan wada sameynin tartarka oo dhan, laakiin Luke iyo Victor ayaa dhammaan sameeyay.”

Tababaraha Man United ayaa intaa ku daray: “Waxaan haystaa ciyaartoy macquul ah oo aan ka soo xusho shaxdeyda marka aan aragno sida ay yihiin Paul iyo Eric berri (Maanta).”

“Edinson si wanaagsan ayuu tababarka u qaatay markii la ganaaxay, wuxuu haystay dhowr maalmood oo fasax ah, dabcan, sidoo kale – tababar badan ma sameyn kartid.

“Laakiin diyaar ayuu u yahay inuu naraaco, wuxuu na siiyaa dookhyo ka duwan kuwii hore, waa weeraryahan kale maadaama aan haysannay weeraryahanno kala duwan sida Mason (Greenwood), Anthony (Martial) iyo Marcus (Rashford), marka waan ku faraxsanahay inaan dib u helay isaga taasi waa sababta aan u keennay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close