Waa tee kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga oo bartilmaameedsanaysa daafaca Arsenal ee Kieran Tierney??

(London) 11 Jan 2021. Sida wararku ay sheegayaan koox ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa bartilmaameed ka dhigatay daafaca Arsenal ee Kieran Tierney.

Kooxda ka dheesha horyaalka Serie A ee Napoli ayaa doonaysa saxiixa Kieran Tierney, waxaana ay indhaha ku haysaa inay Gunners ka soo qaadato laacibkan.

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaysa in Napoli ay u aqoonsatay Kieran Tierney inuu yahay bartilmaameedka waqti dheer ah, iyadoo Arsenal ay ku adkeysaneyso inay xiddigeeda sii haysato.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ayaa ku guuldarreysatay inay la soo wareegto daafacan ka hor inta uusan u dhaqaaqin garoonka Emirates, waxaana ay haatan doonayaan inay cusbooneysiiyaan dalabkooda.

Gunners ayaa markaa wajahaysa dagaal ay ku sii haysanayso daafacooda, maadaama ay xilli ciyaareedkaan qaab ciyaareedkoodu uu hoos u dhacay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close