Timo Werner oo ugu dambeyn soo gabagabeeyey gooldhalin la’aantiisii kaddib markii uu maanta shabaqa ka soo taabtay Morecambe

(London) 10 Jan 2021. Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa soo gabagabeeyey muddo uusan gool dhalin, waxaana uu maanta shabaqa ka soo taabtay naadiga Morecambe.

Chelsea ayaa 4-0 ku garaacday kulankii wareegga saddexaad ee FA Cup-ka naadiga heerka afaraad ka socotay ee Morecambe, kulankaasoo ka dhacay galabta garoonka Stamford Bridge.

Blues ayaa ku jirtay qaab ciyaareed xun oo Premier League ah, iyadoo kaliya hal guul gaartay lixdii kulan ee ugu dambeeyay, laakiin waxa ay ku caro baaba’day maanta kooxda Morecambe.

Mason Mount ayaa goolka furitaanka u dhaliyey Chelsea, ka hor inta uusan Timo Werner soo gabagabeynin 827-daqiiqo oo uu gool la’aan ahaa, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-0.

Xiddiga reer Jarmal ayaan gool dhalinin 12-kiisii kulan ee ugu dambeeyey, tan iyo markii uu shabaqa soo taabtay kulan ay la ciyaareen Sheffield United 7 bishii November sanadkii hore ee 2020.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa raacday qaab la mid ah tii hore, iyadoo Chelsea ay sii waday dhalinteeda labada gool, waxaana gool uu caawiye ka ahaa Hakim Ziyech dhaliyey Callum Hudson-Odoi oo ka dhigay goolkii seddexaad ee galabta ay la timaado Blues, ka hor inta uusan Cesar Azpilicueta ka caawin Kai Havertz goolka lagu soo gabagabeeyey ciyaarta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close