Taageerayaasha Real Madrid oo ka walaacsan Karim Benzema… (Xaalad noocee ah ayuu ku jiraa xiddigan?)

(Madrid) 10 Jan 2021. Naadiga Real Madrid ayaa xalay booqatay kooxda Osasuna, waxaana ciyaartaas lagu ciyaaray jawi aad u qabow, iyadoo lagu soo kala tagay barbarro goolal la’aan ah.

Qabowgaas ma ahan sababta xaaladda Karim Benzema, balse laacibkan ayaa ku jira qaab ciyaareed aan wanaagsaneyn saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo uu ciyaaray.

Benzema ayaa ku guuldarreystay inuu dhaliyo gool, ama caawiyo, xitaa isku day bartilmaameed sax ah sameeyo saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo uu matalay Los Blancos.

Xiddigan ayaa kulammadaas ka hor tagay kooxaha Elche, Celta Vigo iyo Osasuna, waxaana uu ku fashilmay inuu natiijo la taaban karo kala yimaado ciyaarahaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close