Macallinka cusub ee PSG, Mauricio Pochettino oo markaan doonaya xiddig sare oo ka tirsan Kooxda Man United

(Manchester) 10 Jan 2021. Sida wararku ay tilmaamayaan macallinka cusub ee Paris Saint-Germain, Mauricio Pochettino ayaa markaan doonaya inuu la soo wareego xiddig sare oo ka tirsan Manchester United.

Mauricio Pochettino ayaa bartilmaameed ka dhiganaya Paul Pogba, kaasoo uu doonayo inuu geeyo Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska.

Hoggaamiyaha reer Argentine ee Mauricio Pochettino ayaa si weyn ula dhacsan tayada ciyaaryahankan khadka dhexe ee Pogba.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa in Macallinka cusub ee Kooxda Paris Saint-Germain, Mauricio Pochettino uu mudnaanta koowaad ee suuqa xagaaga siinayo saxiixa Paul Pogba.

Laacibkan khadka dhexe ayaa muddo dheer la la xiriirinayay inuu ka tagayo Manchester United, Pochettino ayaana u arkaa inuu yahay mid ku habboon inuu ku soo darsado kooxdiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close