Chelsea oo Manchester United kula dagaallameysa saxiix laacib ka tirsan qaranka Faransiiska

(London) 10 Jan 2021. Waxaa furan suuqa kala iibsiga ee bisha Jannaayo, iyadoo kooxaha qaaradda Yurub ay isu diyaarinayaan sameynta saxiixyo cusub si ay ugu dagaallamaan qaybta dambe ee fasal ciyaareedkan.

Chelsea oo ka mid ah kooxaha doonaya inay sameeyaan saxiixyo cusub ayaa hadda kusoo biirtay loollanka loogu jiro difaaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano.

Several European clubs look for signing to Upamecano... And the Barça?

Xiddigan Faransiiska ah ayaa bartilmaameed u ahaa Manchester United muddooyinkii dambe, waxaana hadda raacdadiisa kusoo biiray Blues.

Inkastoo Thiago Silva iyo Kurt Zouma ay yihiin dookha koowaad ee Frank Lampard u adeegsado difaaca dhexe, haddana waxa uusan la dhacsaneyn xiddigaha keydka sida Antonio Rudiger, Fikayo Tomori iyo Andreas Christansen.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa diyaar u ah inay Man United kula loollanto saxiixa 22-jirka difaaca dhexe kaga ciyaara kooxda reer Germany ee Leipzig.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close