Suxufi Fabrizio Romano oo shaaciyay labada xiddig ee Liverpool kaga muhiimsan Mohamed Salah inay heshiiska u kordhiso

(Liverpool) 09 Jan 2021. Sida laga soo xiganayo wariye ka faallooda arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaaradda Yurub ee  Fabrizio Romano, Mohamed Salah ma ahan xiddiga ugu horreeya ee ay Liverpool ka fikireyso inay heshiiska u kordhiso.

Weeraryahanka Masaarida ayaa wali ah haldoorka Reds, waxaana qandaraaska uu kula joogo difaacdayaasha horyaalka ka harsan labo sano iyo bar.

Inkastoo Liverpool ay heysato waqti ku filan oo ay kaga dhaadhicin karto inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda, haddana waxaa walwal galineysa in qiimahiisa uu hoos u dhici doona marwalba oo uu waqtiga u dhowaado dhammaadka qandaraaskiisa.

Fabinho names the only Liverpool player who was able to dispossess Virgil van Dijk | Squawka

Sidaas darteed, khabiirka dhanka suuqa kala iibsiga ee Romano ayaa baahiyay inay jiraan laba xiddig oo ay kooxda Macallin Jurgen Klopp diiradda saareyso mustaqbalkooda ka hor Salah, waxayna labadaas xiddig kala yihiin Fabinho iyo Virgil van Dijk.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close