Shaxda rasmiga ah kulanka horyaalka La Liga ee Kooxaha Osasuna iyo Real Madrid oo la shaaciyey… (Hazard oo ku bilowday)

(Pamplona) 09 Jan 2021. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Osasuna iyo Real Madrid, ciyaar qeyb ka ah horyaalka La Liga.

Eden Hazard ayaa ku bilowday kulan horyaalka Spain ah markiisii ugu horreysay tan iyo bishii November kaddib markii loo magacaabay safka hore kulanka kooxdiisa ay caawa ka horjeeddo Osasuna.

Marka laga soo tagao imaatinka kulankan ee xiddiga reer Belgium Dani Carvajal ayaa sidoo kale ah mid ka mid ah labada isbedel ee tababare Zinedine Zidane uu ku sameeyey shaxdii uu kaga hortagay Celta Vigo todobaadkii hore.

Dhinaca kale Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kaddib dhaawac uu la maqnaa, waxaana uu booska kala baxay Nacho isagoo kulankan booska daafaca dhexe ka garab ciyaari doona Raphael Varane.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood ay garoonka ku soo geli doonaan oo dhammaystiran:-

Safka hore ee Osasuna: Sergio Herrera; Nacho Vidal, Aridane Hernandez, David Garcia, Juan Cruz; Oier Sanjurjo, Jon Moncayola, Inigo Perez, Roberto Torres, Ruben Garcia; Jonathan Calleri.

Safka hore ee Real Madrid: Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Casemiro, Luka Modric, Toni Kroos; Eden Hazard, Karim Benzema and Marco Asensio.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close