Shaxda rasmiga ah kulanka FA Cup-ka ee Kooxaha Arsenal iyo Newcastle United oo la shaaciyey… (Cedric & David Luiz oo safka Gunners ku bilowday)

(London) 09 Jan 2021. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan caawa kooxaha Arsenal iyo Newcastle United oo ku ballansan garoonka Emirates.

Kooxda martida loo yahay ee Gunners ayaa nasiino siisay kulankan xubno ka mid ah xiddigaheeda u ciyaaray kulankii ay 4-0 uga adkaadeen West Bromwich Albion, waxaana kaliya booskooda xiddigihii kulankaasi ciyaaray helay kaliya Bernd Leno, Pablo Mari, Kieran Tierney iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Dhinaca kale Kooxda Newcastle ayaa todobo isbedel ku sameysay shaxdii guuldarrada 2-1 garoonkooda ku soo gaartay markii ay la ciyaarayeen Leicester City.

Haddaba halkaan hoose ka eeg safafka labada kooxood ay garoonka ku soo geli doonaan caawa:-

Arsenal XI: Leno, Cedric Soares, Luiz, Mari, Tierney, Elneny, Willock, Pepe, Willian, Martinelli, Aubameyang.

Newcastle United XI: Dubravka, Krafth, Lascelles, Clark, Dummett, Hayden, S. Longstaff, Hendrick, Almiron, Joelinton, Carroll.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close