Manchester United oo la ogaaday lacagta ay u baahnaan doonto inay bixiso si ay ula soo wareegto Jack Grealish

(Manchester) 07 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la ogaaday lacagta ay u baahnaan doonto inay bixiso si ay ula soo wareegto Kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish.

Warsidaha The Athletic ayaa warinaya in kooxda Manchester United ay u baahnaan doonto inay bixiso lacag dhan 90 milyan oo gini oo u dhiganta 122 milyan oo dollar si ay ula soo saxiixato Jack Grealish.

Qiimaha Jack Grealish ayaa sare u kacay kaddib markii uu qandaraas cusub u saxiixay Kooxdiisa Aston Villa xagaagii hore.

Manchester United ayaa dooneysay inay lasoo saxiixato Grealish xagaagii la soo dhaafay, laakiin taa bedelkeeda waxay keensadeen Donny van de Beek.

Si kastaba ha noqotee, haatan waxaa jira warar kale oo sheegaya in Paul Pogba uu ka tagi doono kooxda Manchester United, waxaana ay taasi qasab kaga dhigaysaa naadiga ka dhisan Old Trafford inay la soo wareegaan Grealish.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close