Kooxda Liverpool oo ku soo biirtay tartanta loogu jiro saxiixa Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos

(Liverpool) 07 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.

Liverpool ayaa xiiseynaysa haatan inay u dhaqaaqo soo xero gelinta saxiixa Sergio Ramos si uu warinayo Warsidaha El Chiringuito.

Ramos ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaagan, Kooxda Liverpool ayaana isha ku haysa inay ku darto liiska tirada daafacyadeeda ay suuqa ka doonayso.

Kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos waxaa doon doonaya kooxo dhowr ah oo ay ugu horreyso tan ka dhisan caasimadda Faransiiska ee Paris Saint-Germain.

Xiddiga Real Madrid taariikh adag ayuu kula leeyahay Reds, inkastoo uu bartilmaameed u noqday doorkii uu ka qaatay dhaawicii Mohamed Salah ee final-ka Champions League sanadkii 2018.

Sergio Ramos Calls Jurgen Klopp's Comments on Mo Salah Injury 'An Excuse' |  Bleacher Report | Latest News, Videos and Highlights

Inuu garabka kala siibay Mohamed Salah Final-kii Champions League ee 2018, markaasoo ay koobka ku guuleysatay Real Madrid qaar ka mid ah Jamaahiirta Liverpool ayaa nacayb daran u qaaday Ramos, mana maqli karaan haatan inuu kooxdooda ku soo biiro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close