Kooxda AC Milan oo indhaha la raacaysa saxiixa Florian Thauvin… (Booskee ayuu ka ciyaaraa?)

(Milan) 07 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay doonayso saxiixa Florian Thauvin.

Warsidaha CalcioMercato ayaa warinaya in Kooxda AC Milan ay indhaha la raacayso saxiixa garabka Faransiiska ee Florian Thauvin.

Qandaraaska Florian Thauvin ee kooxda Marseille ayaa qarka u saaran inuu dhaco xagaagan, Kooxdiisa haatan ayaana diyaar u ah inay laacibkan ku weyso beeca xorta ah.

Kooxda AC Milan ayaana diyaar u ah inay Marseille u soo bandhigto heshiis afar sano ah, maadaama ay noqdeen kuwa ugu cadcad ee saxiixa xiddigan garabka ka ciyaara sida warbixinta lagu sheegay.

Juventus ayaa xalay soo gabagabaysay guuldarro la’aantii ay ku naalloonaysay Milan, taasoo ahayd kooxda kaliya ee aan laga adkaan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub waxaana looga adkaaday 3-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close