Kaddib markii uu xalay labo gool ku soo dhaliyey garoonka San Mames, Lionel Messi oo fikta sare ka soo galay tartanka loogu jiro Pichichi Trophy

(Bilbao) 07 Jan 2021. Lionel Messi ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankii xalay kooxdiisa Barcelona ay 3-2 uga soo adkaatay Athletic Club, waxaana uu halka ugu sarreysa ka soo galay tartanka loogu jiro ku guuleystay gooldhalinta horyaalka La Liga ee Pichichi Trophy.

Xiddiga reer Argentine ayaa todobo jeer ku guuleystay abaal-marinta gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka La Liga Santander, waxaana ay haatan noqon doontaa xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee kooxda Barcelona, iyadoo uu indhaha ku hayo inuu xaqiijiyo ku guuleysiga abaal-marintan markiisii siddeedaad.

Labadii gool ee uu xalay ugu shubay Athletic ayaa ka yeeshay inuu haatan xilli ciyaareedkan ka dhaliyey sagaal gool horyaalka La Liga, waxaana uu sidaas kula sintay Iago Aspas, Luis Suarez iyo Gerard Moreno oo iyaguna leh min sagaal gool.

Si la yaab leh, Messi ayaa dhaliyay kaliya hal gool lixdiisii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka, laakiin huradada waa uu ka soo toosay tan iyo markaas, wuxuuna dhaliyay afar gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay, kulanka kaliya ee uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto wuxuu ahaa kulankii Huesca.

Messi wuxuu dib u helayaa qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, waxaana taas ugu wacan xiriirka wacan ee garoonka gudihiisa kala dhexeeya Pedri.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee haatan ugu sarreeya gooldhalinta horyaalka La Liga & Laacib weliba goolasha uu leeyahay:-

1- Iago Aspas (Celta Vigo) 9 gool       iyo 6  caawin.

1- Luis Suárez (Atlético Madrid) 9 gool iyo 9 caawin.

1- Lionel Messi (Barcelona) 9 gool iyo 2 cawin.

1- Gerard Moreno (Villarreal) 9 gool iyo 1 caawin.

5 – Karim Benzema (Real Madrid) 8 gool iyo 5 caawin.

6- Mikel Oyarzabal (Real Sociedad) 7 gool iyo        3 caawin.

7- José Luis Morales (Levante) 6 gool iyo     2 caawin.

7- Marcos Llorente (Atlético Madrid) 6 gool iyo       2 caawin.

9-  Carlos Soler (Valencia) 5 gool iyo 4 caawin.

9- João Félix (Atlético Madrid) 5 gool iyo 3 caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close