Manchester City oo xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo la xiriira Korona Fayras

(Manchester) 06 Jan 2021. Naadiga Manchester City oo la dhibaatooneyso saameynta xanuunka Korona Fayras oo ku soo xoogeystay England ayaa maanta xaqiijisay saddex kiis oo hor leh kuwaasoo la xiriira caabuqa dunida aafeeyay sanadkii 2020.

Goolhaye Scott Carson oo amaah ugu ciyaaraya Man City isla markaasna ay milkiyaddiisu leedahay Derby County iyo Cole Palmer ayaa labaduba laga helay xanuunka Koofid-19.

Waxaana tijaabada togan ee dadka laga helay xanuunkan qayb ka ah xubin ka mid ah shaqaalaha tababarka.

Saddexda shaqsi ayaa si gaar ah loo karantiilay, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo in xanuunkan uu saameeyo guud ahaan safka Manchester City.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Pep Guardiola ayaa horraan xaqiijisay xanuunka Korona inuun haleelay ciyaartoyda kala ah Kyle Walker iyo Riyad Mahrez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close