Waa kee daafaca ay Kooxda Real Madrid u aragto bedelka ugu macquulsan ee Sergio Ramos??

(Madrid) 04 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain ayaa la soo warinayaa inay arkootay bedelka ugu macquulsan ee bedelka u noqon kara daafaceeda Sergio Ramos.

Real Madrid ayaa indhaha ku haysa daafaca Kooxda Villarreal ee Pau Torres kaasoo ay u aragto bedelka ugu macquulsan ee ay ku bedelan karto kabtankeeda Sergio Ramos – sidaas waxaa warinaya warsidaha reer Spain ee Tiempo de Juego.

Sida ay haatan wax yihiin, Ramos wuxuu ku bixi karaa si xor ah suuqa xagaaga, iyadoo Los Blancos aysan weli u soo bandhigin dalab ay qandaraaska ugu kordhinayso kabtankeeda.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid ayaa eegi doonta inay keensato Torres haddii kabtankooda uu ka tago, iyadoo la dhacsan qaab ciyaareedka 23-sano jirkaan uu dhowaan ka sameeyay Villarreal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close