Southampton oo garoonkeeda St. Mary’s guul kaga gaartay kooxda Liverpool… +SAWIRRO

(Southampton) 04 Jan 2021. Southampton ayaa garoonkeeda St. Mary’s guul kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib makii ay kaga adkaatay 1-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineyay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.
Daqiiqadii 2-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda Danny Ings, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis James Ward-Prowse.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Southampton kaga adkaatay kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka St. Mary’s Stadium.
SAWIRRO:
Gool FM.