Kooxda Chelsea oo durba xiriir la sameysay badelka tababare Frank Lampard

(London) 04 Jan 2021. Waxay u muuqataa in Chelsea ay ku sii jeedo sida ay ku heli laheyd tababare khibrad leh ee hoggaamin kara kooxda inta lagu jiro mudada soo socota.

Macalinka reer England ee Frank Lampard ayaa ku guuldareystay inuu natiijooyin fiican ku hoggaamiyo kooxda Chelsea qeybta hore xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul weyn oo 1-3 ah kaga soo gaartay Chelsea, garoonkeeda Stamford Bridge, sidaas darteed kooxda reer London waxay gaartay kaliya hal guul lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League, waxaa laga badiyay 3 kulan, waxayna barbaro gashay 2 kulan kale.

Haddaba wargeyska “The Independent” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in saraakiisha Chelsea ay la hadleen tababarihii hore kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri, si ay wax uga weydiiyaan go’aankiisa ku saabsan inuu noqdo badelka Frank Lampard inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan haatan socda.

Why Chelsea target Massimiliano Allegri would SNUB Roman Abramovich to manage Tottenham | Football | Sport | Express.co.uk

Roman Abramovich ayaa raadinaya tababare ku guuleysan kara koobab, kaddib markii uu in ka badan 200 million euros ku qarash gareeyay suuqa kala iibsiga xagaagii lasoo dhaafay.

Massimiliano Allegri ayaa wai shaqo la’aan ah, tan iyo markii uu ka tagay Juventus dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2018/2019, Abramovich ayaa laga yaabaa inuu u adeegsado mudada soo socota, gaar ahaan tan iyo markii tababaraha reer Talyaani uu kula guuleystay koobab badan, ha noqto bianconeri ama AC Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close