Cristiano Ronaldo oo dhaafay rikoorkii gooldhalineed ee Pele… (Immisa gool ayuu u baahan yahay si uu u noqdo kan ugu goolasha badan?)

(Turin) 04 Jan 2021. Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa Juventus guushii weyneyd ay kaga gaareen xalay naadiga Udinese 4-1, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee Horyaalka Talyaaniga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa soo wariyay in Ronaldo, labadiisii gool ee xalay uu ka dhaliyay kooxda Udinese, uu kaga sara maray halyeeyga reer Brazil ee Pele, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xiddiga labaad ugu goolasha badan kulamada rasmiga ah ee taariikhda kubadda cagta.

Wargeyska ayaa wuxuu intaas ku sii daray in Pele uu dhaliyay 757 gool waayihiisa kubadda cagta, maadaama xiddiga reer Brazil uu dhaliyay 688 gool oo heer kooxeed ah ee kala ah Santos iyo Cosmos, iyo 77 gool uu u dhaliyay xulkiisa qaranka Brazil.

Cristiano Ronaldo che record: battuto Pelé per numero di gol fatti in gare ufficiali - ITA Sport Press

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sharaxay in Ronaldo uu gaaray 758 gool, isagoo u dhaliyay 656 gool kooxaha kala ah Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, marka lagu daro 102 gool oo uu u dhaliyay xulkiisa qaranka Portugal.

Wargeyskan ayaa wuxuu xusay in Cristiano Ronaldo uu ka horreeyo kaliya halyeeyga reer Czech ee Josef Bican,oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kubadda cagta isagoo leh 759 gool, taasoo la macno ah in xiddiga reer Portugal uu u baahan yahay inuu dhaliyo kaliya labo gool si uu ugu fadhiisto kursiga xiddiga ugu goolasha badan kubadda cagta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close