Cristiano Ronaldo oo ceebeystay dhammaan 20-ka Kooxood ee haatan ka ciyaara horyaalka Premier League

(Turin) 04 Jan 2021. Cristiano Ronaldo ayaa ceeb dhexda ka istaajiyey kooxaha haatan ka ciyaara horyaalka Premier League.

Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa noqday shaqsigii ugu horreeyey Adduunka ee 150 milyan oo raacayaal ah (followers) ku yeesha barta Instagram-ka.

Image

Kabtanka Portugal ee Cristiano Ronaldo oo hadda ka gudbay 150 milyan oo raacayaal ah oo uu ku haysto bartiisa Instagram-ka ayaa ka badan guud ahaan marka la isku daro inta raacayaal ah oo ay Instagram-ka ku haystaan 20-ka kooxood ee Premier League haatan ka ciyaara.

CR7 hadda waxa uu haystaa in ka badan 150 milyan oo raacayaal ah, halka dhammaan 20-ka kooxood ee horyaalka Premier League ay Instagram-ka ku haystaan haatan 159 milyan oo raacayaal ah (followers).

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close