Xiddiga kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal oo seegi doona kulanka Osasuna & Tababare Zinedine Zidane oo ka hadlay

(Madrid) 03 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa weyn doonta adeega ciyaaryahankeeda Dani Carvajal kulankooda soo aaddan ee horyaalka La Ligaha Spain kaddib markii uu qaatay kaarkiisii shanaad ee digniinta xilli ciyaareedkan kulankii ay xalay la ciyaareen Celta Vigo.

Daafaca midig ayaa loo calaamadeeyay inuu si tartiib tartiib ah uga tagay garoonka markii la bedelay dhammaadka qeybta labaad ee ciyaarta kulankii xalay.

Kulanka kaddib tababare Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in Lambarka 2-aad uu la dhibtoonayo dhaawac yar oo soo gaaray, taas oo ahayd sababta ka dambeysa bedelkiisa.

Carvajal collects fifth yellow card and will miss Osasuna trip next Saturday  - Ghana Latest Football News, Live Scores, Results - GHANAsoccernet

“Carva waxa uu ahaa dhaawac,” ayuu yiri macallin Zidane.

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay wax yar, waxaana ugu fiicnayd inaan qatar la gelin.

“Markii uu gaaray xadka inuu qaatay shan jaalle xilli ciyaareedkii 2020/21, Carvajal ayaa haatan seegi doona kulanka aan Sabtida soo socota u safreyno Osasuna.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close