“Waa seddex dhibcood oo aad muhiim u ah.” Zidane oo ka hadlay guushii ay ka gaartay Celta Vigo

(Madrid) 03 Jan 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kaddib guushii ay gaareen kulankii ay xalay la ciyaareen naadiga Celta Vigo.

Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano guul kaga gaartay kooxda Celta Vigo, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Guushan ay gaartay Real Madrid, waxay kor u qaaday dhibcaheeda waxayna gaartay 36 dhibcood, waxayna si ku meel gaar ah hoggaanka ugu sii qabateen kala sareynta horyaalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa kaddib ciyaarta shirkii jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

“Waxaan xukuminay ciyaarta bilow ilaa dhamaad, waa seddex dhibcood oo aad muhiim u ah.”

“Celta Vigo waa kooxda ugu xoogan ee aan jir ahaan wajahnay, laakiin waxaan ciyaarnay ciyaar wanaagsan.”

“Cadaadisku waa muhiim, waxaana u dheelnaa si fiican marka aan ku soo galno si xoogan, waxaan dib u laaban karnaa waqti ka waqti, laakiin fikirkeenu mar walba waa cadaadis, waxa ugu muhiimsan waa shaqada ay qabteen seddexda weeraryahan.” Ayuu yiri tababare Zidane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close