Kooxda Juventus oo shaacisay liiska xiddigaha kulanka caawa ay kala hortagayso Udinese… (Ronaldo oo hoggaaminaya & Morata oo maqan)

(Turin) 03 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa xaqiijisay liiska xiddigaha uga qeyb galaya kulanka Udinese ee caawa, kaasoo ka tirsan horyaalka Serie A.

Cristiano Ronaldo ayaa hoggaanka u haya liiska xiddigaha uga qeyb galaya kulanka caawa ee Udinese, iyadoo shaxdan uu ka maqan yahay oo laga soo tagay Morata oo dhaawacan.

Tababare Andrea Pirlo ayaa caawa hoggaaminaya Juve kulankiisii ugu horreeyey ee sanadkan 2021-ka marka ay garoonkooda Allianz Stadium ku soo dhoweynayaan Udinese, waxaana uu haatan xaqiijiyey xiddigaha diyaarka u ah kulankaas.

Alvaro Morata ayaa seegaya kulankan oo aan ku jirin shaxda, maadaama uu qabo dhaawac dhanka bowdada midig ah, waxaana uu ku dhaawacmay tababarkii shalay ay kooxdu sameysay ee ka horreeyey kulanka caawa.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Juventus uga qeyb galaya kulanka caawa ee Udinese:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close