Ka hor kulankeeda caawa Man City oo xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda laga helay Korona Fayras

(Manchester) 03 Jan 2021. Ka hor kulankeeda ay caawa la leedahay naadiga Chelsea, kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda laga helay caabuqa saf mareenka ah ee Korona Fayras.

Manchester City oo caawa booqanaysa galbeedka Magaalada London halkaasoo ay kulan tirsan horyaalka Premier League kula soo ciyaareyso Blues ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Eric Garcia laga helay Koofid 19.

Bayaan ka soo baxay kooxda ayaa u dhignaa: “Kooxda kubadda cagta Manchester City waxa ay xaqiijin kartaa in Eric Garcia iyo mid ka mid ah xubnaha shaqaalaha laga helay Korona Fayras”

“Labaduba hadda waxa ay geli doonaan karaantiil ama is-go’doomin si waafaqsan xakamaynta xanuunkan ay u dajiyeen maamulka Premier League iyo Boqortooyada Ingiriiska.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close