Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Barcelona uga qeyb galaya kulanka Huesca… (Yaa ka maqan Yaase ku soo baxay?)

(Barcelona) 02 Jan 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka Huesca ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Barcelona ayaa ku booqan doonta kooxda kubadda cagta ee Huesca garoonkeeda Estadio El Alcoraz, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman dib ugu soo laabtay kabtan kabtanka kooxda ee Lionel Messi, sidoo kale Jordi Alba, kaasoo ku maqnaa sababa la xiriira inay u uruureen kaararka digniinta ah.

Waxaa liiskan ka maqan xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho, kaasoo dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray, wuxuuna liiskan ka maqnaan doonaa muddo saddex bilood ah

Gerard Piqué, Ansu Fati, iyo Sergi Roberto ayaa wali sii maqnaanaya sababo la xiriira dhaawacyo ay qabaan, waxaana sidoo kale liiskan lagu arkay inuu ka maqan yahay daafaca reer France ee Samuel Umtiti.

Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Huesca ee horyaalka La Liga:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close