Van Dijk oo dhiiragalin weyn ka helay Seedorf, xilli uu ka soo kabanayo dhaawacii weynaa ee soo gaaray

(Liverpool) 01 Jan 2021. Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe kooxaha Inter iyo Milan ee Clarence Seedorf ayaa tababar la qaatay Virgil van Dijk, wuxuuna xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay inuu arko dabeecada van Dijk.

Seedorf ayaa soo dhigay bogiisa Instagram-ka sawir ay ku mideyan yihiin isaga iyo Virgil van Dijk kaasoo dhaawac halis ah soo gaaray bishii October.

Laacibkii hore xulka qaranka Holland sidoo kale kooxaha Inter iyo Milan ayaa sheegay inuu la dhacay habdhaqanka Virgil van Dijk, wuxuuna yiri:

“Waxaan maanta kula soo biiray Virgil van Dijk inaan la qaato xoogaa tababar ah.”

“Waan ku faraxsanahay inaan arko go’aankiisa iyo dadaalkiisa inuu dib ugu soo laabto garoonka isagoo ka xoog badan sidii hore.”

“Safarada noocan ah ee soo kabashada, samirka iyo diirada ayaa ah furaha loogu guuleysan karo.”

Si kastaba ha noqotee, Seedorf ayaa kula guuleystay kooxda AC Milan laba koob oo Champions League ah, iyo sidoo kale Horyaalka Talyaaniga oo labo jeer ah mudadii uu la joogay.

Clarence Seedorf (left) shared a photo at the gym in Dubai with Virgil van Dijk

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close