Muxuu ka yiri Frank Lampard kulanka adag ay la ciyaari doonaan kooxda Man City??

(London) 01 Jan 2021. Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa Blues ay si fiican ugu diyaar garoowday kulanka ay Manchester City kula ciyaarayaan Axada horyaalka Premier League, isla markaana ay sii wada doonaan diyaar garoowga, in kasta oo toddobaadkan ay soo if baxeen kiisas cusub oo caabuqa Korona Fayras ah.

Ciyaartii ay Manchester City la ciyaareysay Everton Isniintii ayaa dib loo dhigay kaddib markii dhowr kiis oo caabuqa Korona Fayras ah laga helay Sky Blue.

Haddaba Frank Lampard oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta Manchester City ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arrimaad ee quseeya kooxdiisa wuxuuna yiri:

“Waxaan eegayaa fursadaha dib u dhigista ciyaarta, laakiin waxaa lagu ciyaari doonaa waqtigii loogu talagalay ilaa iyo haatan.”

“Waan ognahay in Manchester City ay dhibaato kasoo gaartay qaar ka mid ah xiddigaheed oo laga helay caabuqa Korona Fayras.”

Si kastaba ha ahaatee, Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in daafaca Reece James looga reebay kulanka sabtiga sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Laakiin xiddiga garabka kaga ciyaara ee Hakim Ziyech ayaa ku soo laabtay tababarka kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac dhanka muruqa ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close