Kooxda Barcelona oo ku dhow inay dhameystirto heshiiska Eric Garcia

(Manchester) 01 Jan 2021. Xiddiga reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Eric Garcia ayeey xaqiiqadii u muuqataa inuu noqdo xiddig naadiga Barcelona ah 1-da bisha July, maadaama uu wargeyska “Sport” xaqiijiyay inuu jiro wadahadal u dhexeeya laacibka iyo maamulka Barca.

Sida ay wararku sheegayaan maadaama ay Barcelona horey ula hehiisay Eric Garcia, waxaa la filayaa in heshiiskan ay si dhab ah ugu dhawaaqi karaan, maadaama qandaraaska Garcia uu dhacayo June 2021, sidaas darteedna wuxuu si furan ula xaajoon karaa koox kasta laga bilaabo 1-da Janaayo.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska ka soo baxa Catalonia, Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay xaqiijiso imaatinka Eric Garcia suuqa kala iibsiga ee bishan January, iyada oo aan la sugin doonin ilaa iyo xagaaga, iyagoo isku dayi doona inay lacag yar siiyaan kooxda Man City.

Eric Garcia ayaa horey u cadeeyay rabitaankiisa ku aadan inuu ku laabto kooxda Barcelona oo akaadimayadeeda uu ka soo baxay, iyada oo ay Manchester City qaab walba isugu dayday inay ugu qanciso inuu cusbooneysiiyo qandaraaska, laakiin ma aysan gaarin wax heshiis ah labada dhinac.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close