Bruno Fernandes oo sanadka 2021 ku soo dhaweeyay abaal-marin cusub

(Manchester) 01 Jan 2021Ciyaaryahanka qadka dhexe reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes, ayaa ku guuleystay abaalmarin cusub saacadihii hore ee 2021.

Sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah “Twitter-ka” ee kooxda Manchester United, Bruno Fernandes ayaa loo doortay inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicanaa safka Red Devils, inta lagu gudajiray bishii la soo dhaafay ee December.

Bishii la soo dhaafay, Bruno Fernandes wuxuu dhaliyay 3 gool, marka lagu daro inuu saaxiibadiisa ka caawiyay 4 gool kale.

Waxaa xusid mudan in Bruno Fernandes uu kaga soo biiray Sporting Lisbon kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Manchester United bishii Janaayo ee sanadkii tagay 2020 qiimo lacageed dhan 55 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close