Alexandre Lacazette oo hal arrin muhiim ah ku ammaanay tababare Mikel Arteta

(London) 01 Jan 2021. Weeraryahanka reer France iyo kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa ku ammaanay tababare Mikel Arteta sida uu badelay taatikada Gunners, taasoo la rumeysan yahay inay sare u qaaday heerka kooxda dhawaanahan.

Arsenal ayaa si halis ah ugu dhawaatay booska loogu laabta heerka labaad marka loo fiiriyo miiska kala sarreynta horyaalka Premier League, kaddib toddobo kulan xiriir ah oo aysan wax guul ah gaarin.

Gunners ayaa looga badiyay 4 kulan oo xiriir ah garoonkeeda waxayna ku guuldareysatay inay wax gool ah ka dhaliso ciyaar furan muddo 13 saacadood, waxaana lagu dhaleeceeyay xeeladahooda difaaca.

Laakiin Arteta ayaa go’aansaday inuu u wareego qaab ciyaareed ku saleysan 4/3/3 oo qeyb ka yihiin Bukayo Saka, Emile Smith Rowe iyo Gabriel Martinelli kuwaasoo la shaqeynayay halka weeraryahan ee tuuran, tanina waxay keentay inay laba guul ka gaaraan kooxaha Chelsea iyo Brighton.

Haddaba Alexandre Lacazette ayaa sheegay kahor kulanka ay kula ciyaarayaan West Brom Sabtida horyaalka Premier League, wuxuuna yiri:

“Wuu ogyahay tayadeyda wuuna ogyahay inaan jeclahay inaan ku ciyaaro baasaska gaagaaban oo aan ka caawiyo asxaabteyda kooxda si ay u horumariyaan ciyaarta.”

Intaas kaddib Lacazette ayaa ku ammaanay tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta qaabka uu badelay taatikada kooxda Arsenal, wuxuuna yiri:

“Isbedelka taatikada ayaa runtii waxtar inoo leh.”

Si kastaba ha ahaatee, Lacazette ayaa kursiga keydka fadhiyay kulankii Brighton laakiin ka dib markii uu soo galay waxa u suurtagashay in uu goolka guusha ku dhaliyo isla taabashadiisiiugu horeysay, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Bukayo Saka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close