Arsenal oo kula dagaalameysa kooxda Liverpool saxiixa xiddig ka ciyaara horyaalka Serie A

(England) 31 Dis 2020. Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa muujiyay in Arsenal ay gudbisay codsi ah inay la soo saxiixato daafaca kooxda Roma Roger Ibañez, kaasoo ay sidoo kale dooneyso Liverpool.

Ciyaaryahanka reer Brazil oo ay milkiyadiisu leedahay Atalanta ayaa haatan qaab amaah ah ugu ciyaara kooxda Roma, waxaana uu xilli ciyaareed aan caadi aheyn la qaadanayaa Giallorossi.

22 jirkaan ayaa ugu biiray Roma bishii Janaayo 2020 qaab amaah ah, laakiin wuxuu ugu dhaqaaqi doonaa kooxda ka dhisan caasimada heshiis joogta ah, kaddib markii uu buuxiyey shuruudo gaar ah.

Sida laga soo xigtay “Calciomercato”, Arsenal kaliya ma ahan koox Ingariis ah oo xiiseyneysa adeega Ibañez, laakiin waxaa jirta kooxda Liverpool oo lala xiriirinayo saxiixa ciyaaryahanka lagu qiimeeyay dhanka suuqa 30 million pounds.

Roger Ibañez Has Been Red-Hot During the Restart - Chiesa Di Totti

Liverpool ayaa si joogto ah u raadineysa daafac waxtar leh oo ay ku xoojiso safka daafaceeda, maadaama ay saameyn xun uu ku yeelatay dhaawacyadii soo gaaray xiddigaheeda Virgil van Dijk iyo Joe Gomez.

Halka tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta, uu doonayo inuu xoojiyo difaaciisa, Arteta ayaa xaqiijiyay in labadii guul ee ugu dambeysay ee kooxda Gunners aysan badali doonin qorshihiisa muddada dheer ee lagu xoojinayo safka suuqa kala iibsiga ee xilliga qaboobaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close