“Waan awoodnaa inaan hoggaamino Premier League.” – Ole Gunnar Solskjær

(Manchester) 30 Dis 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay guushii dirqiga aheyd ay xalay ka gaareen naadiga Wolverhampton.

Marcus Rashford ayaa guul ku hoggaamiyay Manchester United kaddib markii ay kaga adkaadeen 1-0 kooxda Wolverhampton oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Tani waa qodob aan ka shaqeynay horraantii xilli ciyaareedka, waana inaan dhibco badan helnaa waqtiyada dambe ee kullamada.”

‘Haatan waxaan dareemayaa in ciyaartoydu maskax ahaan iyo jir ahaanba ay xoogan yihiin, si ay sidaa u sameeyaaan.”

Ole Gunnar Solskjær ayaa sidoo kale hadlay sanadka 2020 oo sii dhamaanaya wuxuuna yiri:

“Wuxuu ahaa sanad wanaagsan marka la eego natiijooyinka, kooxdan waxay awood u leedahay maskax ahaan iyo jir ahaanba inay hoggaamiyaan miiska kala sarreynta.”

“Waxaan ku raaxeysanay nasiibka guushii maanta, laakiin tani waa waxa dhaca marka aad cadaadis saarto kooxaha.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close