Kooxaha Barcelona iyo Eibar oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou … +SAWIRRO

(Barcelona) 29 Dis 2020. Kooxaha Barcelona iyo Eibar ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayeey ku kala nasteen kooxaha Barcelona iyo Eibar barbardhac 0-0 ah.

8 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Barcelona ayaa loo dhigay rigoore, balse waxaa ka qasaariyay xiddigooda Martin Braithwaite.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda martida aheyd ee Eibar ayaa goggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda lagu magacaabo Kike.

Laakiin daqiiqadii 67-aad Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Ousmane Dembele, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Junior Firpo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen kooxaha Barcelona iyo Eibar, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close