Arsenal oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Brighton oo ay booqatay… +SAWIRRO

(England) 29 Dis 2020. Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Brighton & Hove Albion oo ay ku booqatay garoonka The American Express Community, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-1, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Alexandre Lacazette, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bukayo Saka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay Arsenal kaga soo adkaatay kooxda Brighton & Hove Albion, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ay ku wada ciyaareen garoonka The American Express Community, Gunners ayaa haatan fadhida booska 13-aad ee dhanka miiska kala sarreynta.

SAWIRRO:

Bukayo Saka is helped off the pitch

Emile Smith Rowe in action at Brighton

Bukayo Saka looks on during tonight's game

Alex Lacazette in action for Arsenal

Image

Kieran Tierney challenges for possession at the Amex

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close