Xiddigaha Daqiiqadaha ugu badan ciyaaray 2020: Messi oo saddexda sare ku jira iyo Man United oo saddex laacib ku yeelatay 10-ka sare

(Yurub) 22 Dis 2020. Waxaa la shaaciyey xiddigaha daqiiqadaha ugu badan ciyaaray sanadkan gabagabada ah ee 2020, waxaana saddexda sare ka soo muuqday kabtanka Barcelona ee Messi.

Manchester United ayaa sidoo kale 10-ka sare ku yeelatay saddex ciyaaryahan iyadoo hal xiddig oo Spanish ah uu ka soo muuqday liiskan.

Daafaca ahna Kabtanka Kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa hoggaanka u haya tobanka xiddig ee daqiiqadaha ugu badan ciyaaray kubadda cagta sanadkan 2020.

Difaaca ugu qaalisan kubadda cagta dunida ee Maguire ayaa ah ciyaaryahanka daqiiqadaha ugu badan saftay 2020.

Illaa laga soo gaaray 17-kii December, Maguire ayaa ciyaaray wax aan ka yareyn 4,745 daqiiqo 53 kulan oo uu saftay guud ahaan sanadka.

The players with most minutes in 2020: Messi in top three, one Spaniard in top 10

Xiddiga booska labaad kaga jira liiskan ciyaartoyda saftay daqiiqadaha ugu badan ayaa isaguna ah daafac dhexe ee kale oo ka ciyaara Magaalada Manchester.

Ruben Dias, kaasoo Manchester City kaga soo biiray dhanka Benfica xagaagii ayaa ciyaaray 4,344 oo daqiiqo intii uu ka kala ciyaarayey dalalka Portugal iyo England.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhammaystiray saddexda sare ee liiskan ka kooban tobanka ciyaaryahan, waxaana xiddiga reer Argentina uu ciyaaray 4,293 daqiiqo.

Ciyaaryahanka ka tirsan kooxda Real Madrid ee daqiiqadaha ugu badan ciyaaray 2020 waa Raphael Varane kaasoo ku jira booska siddeedaad ee liiskan kaddib markii uu ciyaaray 4,123 daqiiqo.

Jesus Navas ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee Spanish ah kaasoo ku jira liiskan, waxaana uu fadhiyaa booska ka dambeeya daafaca reer France ee Varane, iyadoo kabtanka kooxda Sevilla uu ciyaaray 4,110 daqiiqo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee kubadda cagta kuwaasoo saftay daqiiqadaha ugu badan 2020:-

1- Harry Maguire: 4,745 minutes

2- Rúben Dias: 4,344 minutes

3- Lionel Messi: 4,293 minutes

4- Bruno Fernandes: 4,164 minutes

5- Bruno Pacheco: 4,162 minutes

6- Romelu Lukaku: 4,144 minutes

7- Victor Lindelöf: 4,142 minutes

8- Raphael Varane: 4,123 minutes

9- Jesús Navas: 4,110 minutes

10- Callum McGregor: 4,106 minutes

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close