“Nasiibku nama garab istaagin.” –Tababare Arteta oo ka hadlay guuldarradii ay kala kulmeen Everton

(London) 20 Dis 2020. Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay guuldaradii cusbayd ee Gunners ka soo gaartay horyaalka Premier League, kulankii ay la ciyaareen naadiga Everton.

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa garoonkeeda Goodison Park ku garaacday Arsenal kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Toffees oo 2-1 kaga adkaaday Arsenal ayaana sii dheereystay guuldarro la’aanta xiriirka ah ee Gunners kulamada horyaalka Premier League.

Guuldarradan soo gaartay kooxda Arsenal ayaa ah tii siddeedaad Premier League ee xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigtay in Gunners ay fadhido booska 15-aad ee dhanka miiska kala sareynta horyaalka.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa daabacay hadalada Mikel Arteta, wareysigii uu bixiyay kaddib ciyaarta, waxaana ka mid ahaa:

“Waxaan wajahaynaa dagaal weyn, laakiin waad arki kartaa isku dayga ciyaartooyda iyo niyada ay leeyihiin.”

“Anagoo aanan la kulmin wax badan hadana waan guuldarreysanay, waxaan muujinay falcelin wanaagsan goolka kaddib, waana xakameynay ciyaarta.”

“Waxaan abuurnay fursado ku filan, mid ka mid ah kubaddaaheena waxay ku dhacday birta.”

“Waxaan u maleynayaa in nasiibku uusan na garab istaagin.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close