Muxuu ka yiri Gerard Pique kulanka Barcelona iyo PSG ee wareega 16-ka Champions League??

(Barcelona) 18 Dis 2020. Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa carabka ku adkeeyay sida uu u adag yahay kulanka ay kula ciyaari doonaan Paris Saint-Germain wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

Dhinaca kale daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa isla waqtigaas sheegay inuu noqon doono kulan xiiso u leh taageerayaasha kubadda cagta.

Garoonka Camp Nou ayaa martigelin doona lugta hore kulanka wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League ee kooxaha Barcelona iyo PSG bisha Febraayo 16-keeda, ka hor inta aan garoonka Parc des Princes lagu qaban kulanka lugta labaad 10-ka bisha March.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysiga Gerard Pique, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Kulanka Paris Saint-Germain wuxuu noqon doonaa mid adag, si wanaagsan ayaan u garanayaa Neymar Jr.”

“Kulanka waxaa la ciyaari doonaa laba bilood kaddib, inta ka horeysana wax walba ayaa dhici kara, laakiin muhiimada ayaa ah inuu noqon doono kulan aad ugu wanaagsan daawadayaasha.”

Si kastaba ha ahaatee, daafaca reer Spain ayaa diiday inuu xaqiijiyo ama beeniyo ka qeyb galkiisa kulanka Paris Saint-Germain, iyadoo laga warqabo dhaawaca halista ah ee uu qabo, balse wuxuu xaqiijiyay inuu haatan dareemayo fiicnaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close