Wax waliba oo aad uga baahan Abaal-marinta FIFA The Best oo caawa la bixin doono

(Zurich) 17 Dis 2020. Xiriirka kubadda Adduunka ee FIFA ayaa caawa ku dhawaaqi doona xidiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa sanadkan ee loo yaqaano FIFA The Best.

Dhanka ragga waxaa sanadkii hore abaal-marintan ku guuleystay Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi, halka dhanka dumarka ay hanatay Megan Rapinoe, waxaana sanadkan ku tartamaya xiddigo hjore u soo qaatay abaal-marinta iyo kuwo ku cusub labadaba.

Laacibka difaacanaya abaal-marintan ee Lionel Messi iyo xiddiga reer Potugal ee hore ugu guuleystay abaal-marinta ayaa sanadkan kula tartamaya FIFA The Best, weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaasoo wacdaro dhigay.

Kaddib toddobo marxaladood oo ay soo martay xulashada ciyaartoyda sanadkan 2020 ayaa ugu dambeyn waxaa go’aamin doona kabtannada iyo tababareyaasha xulalka qaranka oo lagu daray codeyn ay taageerayaashu ka sameeyaan Online-ka iyo weliba Suxufiyiin 200 tiradoodu dhan tahay oo ka kala socda dunida daafaheeda.

Codeynta ayaa soo bilaabatay 25-kii November, waxaana ay ku ekeyd oo la soo gabagabeeyey 09 bishan December.

Waxaa xalafadda lagu bixinayo abaal-marinta FIFA The Best lagu qaban doonaa caawa 9:00 Habeennimo saacadda geeska Afrika Magaalada Zurich ee waddanka Switzerland, waxaana lagu shaacin doonaa ku guuleystaha abaal-marinta The Best.

Sida inta badan ay Wargeysyadu tilmaamayaan xiddiga xulka qaranka Poland iyo kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich, Robert Lewandowski ayaa loo badinayaa inuu abaal-marintan kaga adkaan doono Ronaldo iyo Messi.

Wax qabadka saddexda xiddig ee ku tartami doona abaal-marinta FIFA The Best ee dhinaca Ragga:-

Robert Lewandowski (Bayern Munich & Poland) – 47 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, Lewandowski waxa uu dhaliyey 55 gool, isagoo kooxdiisana la qaaday Koobabka Champions League, Bundesliga iyo German Cup.

Lionel Messi (Barcelona & Argentina) – Waxa uu dhaliyey 25 gool, isagoo 21 gool oo kale caawiye ka ahaa kal ciyaareedkii hore, yeelkeede kooxdiisa ayaa koobab la’aan ahayd, Champions League waxaa ka qaaday Bayern Munich, halka Real Madrid ay kaga guuleysatay horyaalka La Liga.

Cristiano Ronaldo (Juventus & Portugal) – 35-sano jirkaan ayaa 31 gool u dhaliyey Juventus xilli ciyaareedkii hore, iyadoo uu shabaqa soo taabtay 9 kulan oo xiriir ah, waxaana uu isbuucaan buuxsaday tirada 100 gool oo uu u saxeexay Juve.

Xiddigha ku tartami doona abaal-marinta FIFA The Best ee dhinaca Dumarka:-

Lucy Bronze (Manchester City & England)

Pernille Harder (Chelsea & Denmark)

Wendie Renard (Lyon & France)

Tababareyaasha ku tartami doona abaal-marinta FIFA The Best ee dhinaca Ragga:-

Jurgen Klopp (Liverpool)

Marcelo Bielsa (Leeds)

Hans-Dieter Flick (Bayern Munich)

Tababareyaasha ku tartami doona abaal-marinta FIFA The Best ee dhinaca Dumarka:-

Sarina Wiegman (Netherlands)

Emma Hayes (Chelsea)

Jean-Luc Vasseur (Lyon)

Saddexda goolhaye ee ku tartami doona gacanta dahabka ah ee dhanka Ragga:-

Alisson (Liverpool & Brazil)

Manuel Neuer (Bayern Munich & Germany)

Jan Oblak (Atletico Madrid & Slovenia)

Saddexda goolhaye ee ku tartami doona gacanta dahabka ah ee dhanka Dumarka:-

Christiane Endler (Paris St-Germain & Chile)

Alyssa Naeher (Chicago Red Stars & USA)

Sarah Bouhaddi (Lyon & France)

FIFA Puskas Award

Giorgian De Arrascaeta (Uruguay) – Ceara vs Flamengo (August 25, 2019)

Son Heung-min (South Korea) – Tottenham Hotspur vs Burnley (December 7, 2019)

Luis Suarez (Uruguay) -Barcelona vs Real Mallorca (December 7, 2019)

Sida loogu kala guuleystay abaal-marintan tan iyo sanadkii 2016-kii:-

 

Abaal-marinta FIFA The Best ee dhinaca Ragga:-

2016: Cristiano Ronaldo

2017: Cristiano Ronaldo

2018: Luka Modric

2019: Lionel Messi.

Abaal-marinta FIFA The Best ee dhinaca Dumarka:-

2016: Carli Lloyd

2017: Lieke Martens

2018: Marta Vieira

2019: Megan Rapinoe

Abaal-marinta Tababaraha ugu wanaagsan FIFA The Best ee dhinaca Ragga:-

2016: Claudio Ranieri

2017: Zinedine Zidane

2018: Didier Deschamps

2019: Jugen Klopp

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close