RASMI: Xiddigii ugu fiicnaa sanadka ee abaal-marinta FIFA The Best oo lagu dhawaaqay

(Zurich) 17 Dis 2020. Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay Magaalada Zurich ee waddanka Switzerland oo caawa abaal-marinnada FIFA lagu bixinayo.

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski ayaa si cajiib ah ugu garaacay abaal-marintan, weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo, iyo kabtanka naadiga Barcelona ee Lionel Messi.

Robert Lewandowski ayaa 47 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, waxa uu dhaliyey 55 gool, isagoo kooxdiisana la qaaday Koobabka Champions League, Bundesliga iyo German Cup.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close