Neymar oo fariin qaas ah u diray Messi ka hor kulanka ay ku wada ciyaarayaan Champions League

(Paris) 15 Dis 2020. Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr, ayaa fariin qaas ah u diray saaxiibkiisii ​​hore ee Barcelona Lionel Messi, kahor kulanka ay ku wada ciyaarayaan Champions League.

Waxaa shalay la sameeyey isku aadka wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo kulammo adag ay ka soo bexeen, Barcelona ayaa lagu beegay Paris Saint-Germain.

Kulankan ayaa ka dhigan inuu yahay kii ugu horreeyay ee dhexmara Neymar Jr iyo kooxdiisii ​​hore ee Barcelona, tan iyo markii uu kaga soo tagay sanadkii 2017, heshiis rikoor ah oo lagu qiimeeyay 222 million euros.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa ku daabacay, bartiisa Twitter-ka, sawir isaga iyo Lionel Messi, wuxuuna raaciyay fariin qoraaleed ah:

“Waan is arki doonaa dhowaan, saaxiibkay.”

صورة

Neymar ayaa si cad u shaaciyay rabitaankiisa ah inuu markale ka garab ciyaaro Messi xilli ciyaareedka soo socda, taas oo albaabka u furtay hadalo xan ah ee ku saabsan kooxda markale isku keeni karta labadan xiddig.

Si kastaba ha noqotee, Garoonka Camp Nou ayaa martigelin doona lugta hore kulanka wareega 16-ka ee kooxaha Barcelona iyo PSG bisha Febraayo 16-keeda, ka hor inta aan garoonka Parc des Princes lagu qaban kulanka lugta labaad 10-ka bisha March.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close