RASMI: Isku aadka wareegga 32-ka Kooxood ee Europa League oo la sameeyey… (Man United, Arsenal iyo Tottenham oo ogaaday Kooxaha ay ku aadeen)

(Nyon) 14 Dis 2020. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga 32-ka Europa League, iyadoo kulammo adag ay ka soo bexeen.

Kooxaha reer England ee Manchester United, Arsenal iyo Tottenham ayaa haatan ogaaday kooxaha ay ku beegmeen.

Man United ayaa ku aadday Real Sociedad, xilli Arsenal lagu beegay Benfica, halka Tottenham ay madaxa gelin doonto Wolfsberger.

Lugta hore ee kulammada 32-ka UEFA Europa League waxaa la ciyaari doonaa 18-ka bisha Febraayo, halka lugta labaad la dheeli doono 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aaddan 2021-ka.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka wareegga 32-ka Kooxood ee Europa League oo dhammaystiray:-

Wolfsberger v Tottenham

Dynamo Kyiv v Club Brugge

Real Sociedad v Manchester United

Benfica v Arsenal

Red Star Belgrade v Milan

Royal Antwerp v Rangers

Slavia Prague v Leicester

RB Salzburg v Villarreal

Braga v Roma

Krasnodar v Dinamo Zagreb

Young Boys v Bayer Leverkusen

Molde v Hoffenheim

Granada v Napoli

Maccabi Tel-Aviv v Shakhtar Donetsk

Lille v Ajax

Olympiakos v PSV Eindhoven

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close