RASMI: Barcelona vs PSG & Atletico vs Chelsea, Isku aadka wareegga 16-ka Champions League oo la sameeyey

(Nyon) 14 Dis 2020. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga 16-ka Champions League, iyadoo kulammo adag ay ka soo bexeen.
Barcelona ayaa lagu beegay PSG, halka kooxda reer England ee Chelsea ay ku aadday Atletico Madrid.
Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda madaxa loo geliyey Atalanta.
Lugta hore ee kulammada 16-ka Champions League waxaa la ciyaari doonaa 16-ka iyo 17-ka bisha Febraayo, halka lugta labaad la dheeli doono 9-ka iyo 10-ka bisha Maarso ee sanadka soo aaddan 2021-ka.
Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka wareegga 16-ka Champions League oo dhammaystiran:-
M’Gladbach vs Man City
Lazio vs Bayern
Atletico vs Chelsea
Porto vs Juventus
Barcelona vs PSG
Leipzig vs Liverpool
Sevilla vs Dortmund
Atalanta vs Real Madrid
Gool FM.