Isku aadka wareegga 32-ka Kooxood ee Europa League oo maanta la sameynayo… (Arsenal iyo Man United oo ogaan doona kooxaha ay ku beegmeen)

(Nyon) 14 Dis 2020. Isku aadka wareegga 32-ka UEFA Europa League ayaa sida qorshuhu yahay maanta la sameyn doonaa iyadoo koox waliba ay ogaan doonto tan lagu beegay wareeggan.

Isku aadka wareegga 32-ka tartanka UEFA Europa League ee xilli ciyaareedkan waxaa la samayn doonaa maanta oo Isniinta marka ay Saacadda Geeska Afrika tahay 3:00 Galabnimo, iyadoo munaasabadda qorituurka lagu qaban doono xarunta guud ee UEFA magaalada Nyon ee Waddanka Switzerland.

Arsenal, Leicester, Tottenham iyo Rangers ayaa ka mid ah kooxaha isku aadka UEFA Europa League loo sameynayo galabta.

Waxaana kula soo biiri doonta Manchester United oo laga soo saaray tartanka Champions League kaddib markii todobaadkii la soo dhaafay ay guuldarro kala kulmeen Leipzig.

Sida ay dheriyada ugu kala jiraan kooxaha 32-ka ee isku aadka Europa League maanta loo sameynayo:-

Dheriga 1-aad

AC Milan (ITA, H)

Arsenal (ENG, B)

Ajax (NED*)

Club Brugge (BEL*)

Dinamo Zagreb (CRO, K)

Hoffenheim (GER, L)

Leicester (ENG, G)

Leverkusen (GER, C)

Manchester United (ENG*)

Napoli (ITA, F)

PSV Eindhoven (NED, E)

Rangers (SCO, D)

Roma (ITA, A)

Shakhtar Donetsk (UKR*)

Tottenham (ENG, J)

Villarreal (ESP, I)

Dheriga 2-aad

Antwerp ( BEL, J)

Benfica (POR, D)

Braga (POR, G)

Crvena Zvezda (SRB, L)

Dynamo Kyiv (UKR)*

Granada (ESP, E)

Krasnodar (RUS)*

LOSC Lille (FRA, H)

Maccabi Tel-Aviv (ISR, I)

Molde (NOR, B)

Olympiacos (GRE)*

Real Sociedad (ESP, F)

Salzburg (AUT)*

Slavia Praha (CZE, C)

Wolfsberger (AUT, K)

Young Boys (SUI, A)

Goormaa la ciyaari doonaa kulammada wareegga 32-ka Kooxood ee Europa League?:-

Lugta hore ee kulammada 32-ka UEFA Europa League waxaa la ciyaari doonaa 18-ka bisha Febraayo, halka lugta labaad la dheeli doono 25-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aaddan 2021-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close