Kylian Mbappe oo garaacay rikoor uu Lionel Messi ka dhigay Champions League

(France) 10 Dis 2020. Waxaa xalay la ciyaaray kulammadii ugu dambeeyay ee tartanka UEFA Champions League wareeggiisa guruubyada, waxaana ciyaarihii la dheelay kasoo baxay natiijooyin iyo rikoorro kala duwan.

Sheekadan waxay taabaneysaa rikoor uu xalay sameeyay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, isla markaasna uu kala wareegay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

Mpabbe ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee 20 gool ka dhaliya tartanka UEFA Champions League isagoo ay ku qaadatay 21 sano iyo 355 maalmood.

Laacibka Faransiiska ayaa goolkiisii 20-aad ee tartanka dhaliyay ciyaartii xalay PSG ay 5-1 ku dhufatay Istanbul Basaksehir kaddib rigoore uu ciyaarta 3-0 kaga dhigay.

Horraan Messi ayaa heystay ciyaaryahanka ugu da’da yar ee 20 gool ku qortaa diiwaanka goolasha tartanka Champions League, waxaana ay ku qaadatay 22 sano iyo 266 maalmood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close