Real Madrid oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Sevilla oo ay ku booqatay Estadio R. Sanchez Pizjuan… +SAWIRRO

(Sevilla) 05 Dis 2020.Real Madrid ayaa saddex dhibcood kag soo qaadatay kooxda Sevilla garoonkeeda R. Sanchez Pizjuan, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ay isku mari waayeen labada kooxood Sevilla iyo Real Madrid.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool isk dhaliyay xiddiga naadiga Sevilla ee Yassine Bounou, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Ugu dambeytii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay Real Madrid kaga soo adkaatay kooxda Sevilla oo ay ku booqatay garoonka R. Sanchez Pizjuan, Los Blancos ayaan booska afaraad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga ku fadhisa 18 dhibcood oo ay aruursatay.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close