Man City oo garoonkeeda Etihad guul kaga gaartay kooxda Fulham… +SAWIRRO

(Manchester) 05 Dis 2020. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul kaga gaartay kooxda Fulham, kaddib markii ay kag adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 5-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

26 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda Kevin De Bruyne, cyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guul kaga gaartay Manchester City, kooxda Fulham, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Etihad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close