Man City, Man United, Chelsea, Real Madrid, Barcelona, Juventus, Inter, Bayern Munich, PSG & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaarayo shanta horyaallada ee ugu waa weyn Yurub

(Yurub) 05 Dis 2020. Kulamo ka tirsan horyaallada waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ka mid ah Premier League, La Liga, Serie A, Ligue 1 iyo Bundesliga dalka Jarmalka.

Manchester City, Manchester United, Chelsea, Real Madrid, Barcelona, Juventus, Inter Milan, Bayern Munich iyo PSG ayaa ka mid ah kooxaha waa weyn ee maanta illaa caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League Man City ayaa soo dhoweynaysa Fulham, Man United ayaa u safreysa West Ham United, halka sidoo kale ay Chelsea garoonkeeda ku soo dhoweynayso Leeds United.

Horyaalka La Liga kooxda Real Madrid ayaa u safreysa Sevilla, halka Barcelona ay booqanayso Cadiz.

Dhinaca horyaalka Serie A, Juventus ayaa soo dhoweynaysa Torino, halka Inter Milan ay qaabilayso Bologna.

Sidoo kale waxaa la ciyaari doonaa kulamo ka tirsan horyaallada Ligue 1 iyo Bundesliga Jarmalka, Bayern Munich ayaa soo dhoweynaysa Leipzig, halka Borussia Dortmund ay u safreyso Frankfurt.

Horyaalka Faransiiskana kooxda Paris Saint-Germain ayaa booqanaysa naadiga Montpellier.

Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono guud ahaan horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03:30 Galabnimo Burnley vs Everton

06:00 Maqribnimo Manchester City vs Fulham

08:30 Habeennimo West Ham United vs Manchester United

11:00 Habeennimo Chelsea vs Leeds United

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo Levante vs Getafe

06:15 Maqribnimo Sevilla vs Real Madrid

08:30 Habeennimo Atletico Madrid vs Real Valladolid

11:00 Habeennimo Cadiz vs Barcelona

GERMANY – BUNDESLIGA

05:30 Galabnimo 1. FC Köln vs Wolfsburg

05:30 Galabnimo Arminia Bielefeld vs Mainz 05

05:30 Galabnimo Eintracht Frankfurt vs Borussia Dortmund

05:30 Galabnimo Freiburg vs Borussia Moenchengladbach

08:30 Habeennimo Bayern Munich vs RasenBallsport Leipzig

ITALY – SERIE A

05:00 Galabnimo Spezia vs Lazio

08:00 Habeennimo Juventus vs Torino

10:45 Habeennimo Inter vs Bologna

FRANCE – LIGUE 1

07:00 Fiidnimo Rennes vs Lens

11:00 Habeennimo Montpellier vs Paris Saint-Germain

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close