Kooxda Manchester United oo xiddig ka qiimo jaban Jadon Sancho ka heshay horyaalka Premier League

(Manchester) 05 Dis 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay xiddig ka qiimo jaban Jadon Sancho ka heshay horyaalka Premier League.

Wargeyska The Sun ayaa daacabay in Kooxda Manchester United ay ka fiirsanayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Harvey Barnes.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester City ee Harvey Barnes ayaa Man Utd u noqon kara bedel ka qiimo jaban Jadon Sancho.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Leicester City ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Premier League, waxaana laga yaabaa inay Man United ka doorbiddo kan Kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, maadaama xiddiga Premier League ka ciyaara uu ka qiimo jaban yahay kan Bundesliga ka dheela.

Si kastaba ha noqotee, Macallinka Kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inuu taageere u yahay Barnes, kaasoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay xilka England bishii October.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close