Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Kooxdiisa Barcelona uga qeyb galaya kulanka Cadiz

(Barcelona) 04 Dis 2021. Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka Cadiz ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa habeen dambe ku booqan doonta kooxda Cadiz garoonka Ramon de Carranza, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Koeman hoggaaminaya kabtanka kooxda ee Lionel Messi, Frenkie de Jong iyo Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa kulankan is keeni doonta iyadoo raadineysa in saddexada dhibcood ay ka qaadato kooxda Cadiz, si ay sare ugu sii dhaqaaqaan ka mid noqoshada afarta ugu sarreysa horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala sareynta horyaalka Spain iyadoo leh 14-dhibcood, halka kooxda Cadiz ay ku jirto kaalinta lixaad, iyadoo leh 15-dhibcood.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Cadiz ee horyaalka La Liga:-

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close